Get the Flash Player to listen to Danan Radio.

The Latest News




Siyaasiyiinta Somaliland ee doonaya in ay dalka hogaamiyan waxaa iskaga qaldan Arimaha QARANKA iyo Arimaha Xukuumada qabato. Dawlad xumadana waxaa keenay marka la isku qaldo labadan arimood.

Inkasta oo ay Xukumada (ama Dawlada dhexe) ay qabato hawlaha Qaranka. Haddana waa in ayna Xukuumadda hawlaha qaranka oo dhan gacanta loo galin, ee arimaha qaarkood waa in ay Xukuumada ka madax banaanadan. Hawlaha in ay ka madaxa banaan Xukuumada ayaa ah Arimaha QARANKA.
Posted on 23 Mar 2010 by sarwo


Radio Danan 20.03.10 (Laascaanood): Sagaal Maxbuus oo ka mid ah 11qof oo ku eedaysnaa dilka TaliyihiiQaybta 12-aad ayaa maanta laga soo wareejiyay dhinaca xabsiga magaalada Laascaanood oo ay ku xidhnaayeen. Kuwaas oo loo soo qaaday dhinaca gobollada a dacwadoodana lagu qaadi doono magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Posted on 20 Mar 2010 by sarwo

Radio Danan 20.03.10 (Laasqoray) Markab ay leeyihiin ciidamada badda ee dalka Maraykanka ayaa saaka xeebta degmada Laasqoray ku soo tuuray 8 nin oo Soomaali ah, kuwaas oo loo malaynayo inay ka tirsanaayeen kooxaha budhcadbadeeda ah ee Maraakiibta ka ugaadhsada xeebaha biyaha Badda Cas.
Posted on 20 Mar 2010 by sarwo


Hargeysa (Radio Danan)- Gudoomiyihii Xisbiga UDUB ee gobolka Sanaag Cali Ismaaciil Barre ayaa la sheegay inuu iska casilay gudoomiyenimada xisbiga UDUB ee gobolkaas, ka dib markii uu khilaaf ba'ani soo kala dhex-galay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo haatan booqasho la xidhiidha ololaha xisbigiisa ku jooga magaalada Ceerigaabo.
Posted on 26 Jan 2010 by sarwo

Hargeysa (Radio Danan)- Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Cabdi Maxamed Nuur (Cabdi Guray) ayaa amray in xabsiga magaalada Berbera loo soo wareeyo eedaysaneyaal ku xidhnaa xabsiga magaalada Laascaanood, kuwaasoo uu ka mid yahay Taliyihii sirdoonka Cabdifataax Muuse Yuusuf.
Posted on 26 Jan 2010 by sarwo

Hargeysa (Radio Danan)- Ciidamada Booliska Gobolka Sool ayaa maanta xabsiga u taxaabay dad ka badan 40 Ruux, kuwaas oo la sheegay in xadhigoodu ka dambeeyay qarax miino oo shalay ka dhacay magaalada Laascaanood, kaasoo ay ku naf-waayeen Laba Askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Laascaanood, Laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Posted on 26 Jan 2010 by sarwo

Hargeysa 26. 01. 10 (Radio Danan) Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ayaa Taliyihii Ciidanka laanta baadhista dembiyada (C.I.D) ee Booliska Gobolka Sool Siciid Xaaji Nuur ka aqbalay in uu iska casilo xilkii Taliyaha Ciidanka C.I.D-da, kaas oo todobaadkan Taliyaha Booliska soo gaadhsiiyey qoraal uu ku dalbanayo in iscasiladaas laga ogolaado.
Posted on 26 Jan 2010 by sarwo





Hargeysa, 24. 01. 10 (Radio Danan) Xoghayaha guud ee xisbiga oo UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo xiligan socdaal la xidhiidha olole sharci darro ah oo uu taageero ugu raadinayo xisbiga xukuumada ee Udub ku maraya deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa ku hanjabay in shaqada laga eryi doono qof kasta oo shaqaale dawladeed ah oo aan isaga iyo qoyskiisuba u ololaynin xisbiga Udub.
Posted on 26 Jan 2010 by sarwo

Hargeysa 21. 01. 10 (Radio Danan) Taliyaha Saldhiga Booliska ee koonfurta magaalada Laascaanood Jaamac Cabdi Faarax ayaa sheegay in uu halis ugu jiro in lagu dilo falal dhagar iyo shirqool ah oo ay u maleegayaan kooxo uu hormood u yahay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool Mr Maxamed Gooni.
Posted on 21 Jan 2010 by sarwo

Hargeysa, 20. 10. 10 (Radio Danan) Afhayeen u hadlay Beeshii uu ka soo jeeday Taliyihii hawlgelinta Ciidamada Booliska Gobolka ee dhowaan lagu dilay magaalada Laascaanood Marxuum Cismaan Macallin Cali (Suxufi). Ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyey in ay ka dambaysay dilkii Taliyahaas.
Posted on 20 Jan 2010 by sarwo

Hargeysa, 19. 01. 10 (Radio Danan) Gudoomiye ku xigeenka Urur Siyaasadeedka Qaran ee xukuumada Riyaale sharciyadooda diiday Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay in uu ku gacan saydhay in uu hor tago Ciidanka Baadhista baadhista dembiyada ee loo yaqaano C.I.D-da, kuwaas oo maanta soo gaadhsiiyey qoraal yeedhmo ah oo ay kaga dalbanayaan in uu xaruntooda yimaado 20-ka. bishan oo ku began Arbacada berito
Posted on 19 Jan 2010 by sarwo


Hargeysa,19. 01. 10 (Radio Danan) Mudaharaad ballaadhan oo rabshado iyo qulqulatooyin gacan ka hadal ah wata ayaa maanta ka dhacay degmada Wajaale, oo ka tirsan Gobolka Gabiley. ka dib markii xalay askari Ciidamada amaanka ka tirsani magaalada Wajaale dhexdeeda toogasho ku dilay wiil iyo gabadh dhalinyaro ah, oo ay magacyadoodu kala ahaayeen Yacquub Maxamed Seeraar iyo Raxma Maxamed Ismaaciil, kuwaasoo aan ilaa hada la ogeyn sababta dilkooda keentay.
Posted on 19 Jan 2010 by sarwo


Hargeysa, 17, 01, 10 (Radio Danan) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa markii ugu horeysay qiray in xukuumadu ku ceebaysantahay wax ka qabasho la'aanta qaraxyada iyo dilalka isdaba jooga ah ee beryahan dambe ka dhacayey magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Posted on 17 Jan 2010 by sarwo
Hargeysa 15. 01. 10 (Radio Danan) Madaxii hawlgelinta Ciidanka Qaybta Booliska Gobolka Sool Cali Macalin Cismaan (Suxufi) ayaa caawa abaaro 8:00 caweysnimo dabley aan la aqoonsani ku dishay badhtamaha magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Posted on 15 Jan 2010 by sarwo

Hargeysa, 14. 01. 10 (Radio Danan) Markab Tangar ah oo shixnad shidaal ah u sida shirkada wadaniga ah ee Red Sea ayaa la sheegay in uu mudo todobaad ah ku xaniban yahay dekeda magaalada Berbera, ka dib markii ay Masuuliyiinta Shirkada TOTAL ee kootada ku haysta maamulka haamaha shidaalku diideen in shidaalka uu Markabkaasi sido lagu shubo haamaha shidaalka Berbera.
Posted on 14 Jan 2010 by sarwo
Hargeysa 13. 01. 10 (Radio danan) Maxakamada Gobolka Sool ee magaalada Laascaanood oo qaadaysay dacwad ku saabsan qaraxyadii lagu dilay taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Marxuum Cismaan Yuusuf Nuur ee dabayaaqadii sanadkii hore ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa la sheegay in ay maanta dib u dhigtay dhegaysigii dacwadaas.
wink
Posted on 13 Jan 2010 by sarwo


Hargeysa, 13. 01. 10 (Radio Danan), Ciidamada Booliska Degmada Seylac ayaa maanta xabsiga u taxaabay Weriye Jirde Axmed Rooble oo ah Weriyahii wargeyska madaxa banana ee wargeyska Ogaal iyo Shebekada wararka ee Seylac News uga soo warami jirey Gobolka Awdal, Kaas oo xadhigiisu ka dambeeyey amar ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha Golaha deegaanka degmada Seylac Maxamed Cumar Cawed.
Posted on 13 Jan 2010 by sarwo
Hargeysa, 12. 01 01. 10 (Radio Danan) Ugu yaraan sadex askari oo ka tirsan ciidanka Booliska saldhiga koonfureed ee magaalada Laascaanood ayaa ilaa hada inta la ogyahay ku dhaawacmay qarax caawa abaaro 8;00 caweysnimo lala beegsaday Saldhiga Ciidanka Booliska ee koonfurta Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Posted on 12 Jan 2010 by sarwo


Hargeysa 12, 01. 10, (Radio Danan), Maxakamda Gobolka Sool ee Magaalada Laascaanood ayaa maanta si rasmi ah xoriyadoodii ugu celisay toban ruux oo ka mid ahaa 21qof oo ku eedaysnaa qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Laascaanood ee uu ku geeriyooday Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka marxuum Cismaan Yuusuf Nuur.

Posted on 12 Jan 2010 by sarwo

Hargeysa 11. 01. 10, 9 (Radio Danan), Xukuumada Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabtay Cheife caaqil Sheekh Maxamuud Sheekh Muuse (Ina xoog badane) oo ka mid ah madax dhaqameedyada beelaha Gobolka Awdal, ka dib markii isaga iyo xubno kale oo ka tirsan odayaasha iyo madax dhaqameedyada Gobolka Awdal shir jaraaid oo ay Sabtidii ina dhaaftay ee todobaadkan wadajir ugu qabteen magaalada Boorame si weyn ugu eedeeyeen xukuumadda Madaxweyne Riyaale in ay ka dambaysay falkii jidgooyada ahaa ee badhtamahii sanadkii hore lagu laayey dadkii socotada ahaa ee marayey wadada u dhaxaysa magaalooyinka Dila iyo Gabiley, kaasoo ay sheegeen inaanay xukuumadu ilaa maanta dadkii geystey waxba ka qaban.
Posted on 11 Jan 2010 by sarwo



Hargeysa, 10. 01. 10 (Radio Danan) Maxakamada gobolka sool ee magaalada laascaanood ayaa la filayaa in ay maalinta salaasada ah ee todobaadkan guda gasho dhegaysiga dacwad ku saabsan qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Laascaanood ee uu ku geeriyooday taliyahii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka marxuum Cismaan Yuusuf Nuur.
Posted on 10 Jan 2010 by sarwo


Hartgeysa, 09. 01. 10 (Radio Danan) Fadhi muran weyn iyo khilaaf xoog leh ka dhex abuuray odayaasha golaha guurtida oo la filayey in saaka xildhibaanada guurtidu kaga doodaan wax ka bedel lagu samaynayo xeer hoosaadka golahooda ayaa la joojiyey, ka dib markii todobada xubnood ee gudiga doorashooyinku qaranku shirgudoonka golaha guurtida ku qanciyeen in la jo
Posted on 09 Jan 2010 by sarwo
Hargeysa, 08. .1. 10 (Radio Danan), Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Somaliland Mudane Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure ayaa sheegay in aanu jirin mooshin lagu ridayo gudoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay xildhibaanada golaha guurtidu u ballansan yihiin in ay cod u qaadaan beri oo sabti.
Posted on 08 Jan 2010 by sarwo
Hargeysa, 06. 01. 2010 (Radio Danan) Shan xubnood oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida oo wadajir maanta shir jaraaid ugu qabtay xarunta golahaas ayaa Madaxweyne Riyaale iyo Shir gudoonka golaha guurtida ugu baaqay in ay joojiyaan fadhi la doonayo in si sharci darro ah xilka loogaga qaado gudoomiyaha Golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo wadanka safar debada ah kaga maqan, kaas oo ay sheegeen in mudaneyaasha xukuumada iyo xisbiga Udub taageersani u ballansan yihiin maalinta sabtida ah ee soo socota.
Posted on 06 Jan 2010 by sarwo



Hargeysa, 06. 01.2010 (Radio Danan) Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan ayaa ka digay cawaaqib xumo ka iman karta mooshin xilka lagaga qaadayo gudoomiyaha golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo wakhtigan socdaal caafimaad ugu maqan wadanka Ingiriiska.
Posted on 06 Jan 2010 by sarwo

Hargeysa, (Radio Danan) Shirguddoonka golaha guurtida ayaa si kadis ah u beddelay xubnaha guddida joogtada ah ee golaha, kuwaasi oo dhawr bilood ka hor uu magacaabay guddoomiyaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda booqasho ku jooga dalka Ingiriiska.

Posted on 06 Jan 2010 by sarwo

Rd war (Laascaanood) Ciidamo Boolis ah oo uu horkacayo badhasaab ku xigeenka gobolka Sool Maxamed Cabdi Dhimbil (Daad) ayaa saaka xabsiga u taxaabay afhayeenkii sibiga Kulmiye ee gobalka sool Yuusuf Diiriye Aadan (Yuusuf ciiro),
Posted on 05 Jan 2010 by sarwo

Gabiley Rd. Xukuumada Somaliland ayaa si qarsoodi ah xabsiga kaga sii daysay 23 xubnood oo ka mid ahaa 34 haween ah oo ku xidhnaa xabsiga magaaladda Gabiley, kuwaasoo loo haystey in ay ku lug lahaayeen mashruucii jiif oo jaq la odhan jirey ee hantida malaayiinka dollar ah lagaga dhacay muwaadiniin faro badan oo reer Somaliland ah.
Posted on 04 Jan 2010 by sarwo

Berbera Rd; Fadeexad muaamarad iyo shirqool weyn ah oo la doonayey in lagu joojiyo xoolaha Somaliland ee u dhoofa seyladaha wadanka sucuudiga ayaa xalay ku fashilmay dekeda magaalada Berbera.
Posted on 02 Jan 2010 by sarwo

Hargeysa (RD) Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo ku dhawdhaw Masuuliyiinta shirkadda TOTAL ee kootada ku haysata Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera ayaa sheegaya in khilaaf aad u ba'ani Toddobaadkan soo kala dhex galay Madaxweyne Daahir Riyaale iyo Madaxda Shirkadda TOTAL.
Posted on 31 Dec 2009 by sarwo

Hargeysa (RD) - Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa la filayaa in uu maalmaha inagu soo aadan socdaal aan rasmi ahayn ugu kicitimi doono wadanka boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo la sheegay in uu kula kulmi doono ganacsade reer Sacuudi Carabiya ah oo lagu magacaab Abu Yaasir.

Posted on 31 Dec 2009 by sarwo
Saylac (RD) Boqol ruux oo kamida muwaadiniinta Muruq maalka ah ee ka xoogsada ceelasha Milixda ee xeebta Tokhoshi ayaa dalbaday in laga joojiyo Milixda dibada looga soo waarido ee wadanka la keeno.

Posted on 31 Dec 2009 by sarwo
“Jaamac (Xoghayaha UDUB) maalin dhawayd ayuu noo yimi ee raggii Xisbiga UDUB astaantiisa lahaa ee lagu yaqaanay hadduu yidhaahdo kuwaasi UDUB maaha, meesha ma qabato.”

"Jaamaca-ba haddii uu dadka Somaliland jecel yahay muu yidhaahdeen UDUB baa idinku soo noqonaysa ee waxaan odhan lahaa..
Dr. Maxamed-Rashiid

“Ragga UDUB ka cadhooday waxay ahaayeen ragga iyaga oo afar ah, saddex madaxweynenimo isu-sharraxay..waxaanay ku hadlaan KULMIYE odhaahdooda iyo mudaharaad-ka-qaybgalkooda oo ay ka dhex muuqdaan mar walba. Sidaas darteed…”

“Waxaan fahmay in dadka ka ku mudaharaaday in maal-gashi lagu sameeyo Jasiiradda Sacaadadiin cidda leh fawdo soo abuura inay tahay labada Xisbi Mucaarad.”
Xoghayaha guud ee UDUB
Posted on 31 Dec 2009 by sarwo


Askar ka tirsan Ciidamada dawlada itoobiya ee Koontarabaanka la dagaalama ayaa la sheegay in habeen hore gudaha degmada Magaalo-cad oo ka tirsan gobolka Awdal ka kaxaysteen mid ka mid ah Gawaadhida Xamuulka qaada oo noociisu yahay Dhayne oo ay sheegeen in Kootarabaan uu doonay
Posted on 30 Dec 2009 by sarwo

Gudoomiyaha Dhakhaatiirta Madaxabanaan ee Xoolaha ee (ULB) Dr. Maxamed Xuseen Xasan iyo Dr. Daa'uud Ismaaciil Nuur oo muddo Todobaad ah u xidhnaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa shalay maxkamada degmada Hargeysa ay ku soo daysay Damaanad.
Dr. Daa'uud Ismaaciil Nuur oo
Posted on 30 Dec 2009 by sarwo

Hargeysa RD - Garabka isbedel-doonka xisbul-xaakimka taalada haya ee UDUB, ayaa si wayn u dhaliilay qaabka ay hawlaha dalka u maamulayaan kooxda Rayaale, waxayna ka digeen in burbur ku iman karo qaranimada Somaliland hadii uu mar kale talada wadanku gacanta u gashayo Madaxweyne Rayaale oo mar kale la dib loo doorto Shan sano.
Posted on 30 Dec 2009 by sarwo
Posted on 27 Dec 2009 by sarwo
Hargeysa (RD)- Hal-abuurka caanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), ayaa markii ugu horreysay si cad daboolka uga qaaday in telifiishanka iyo idaacadda xukuumadda Madaxweyne Rayaale maamusho ay ceeb iyo dheg-xumo weyn u soo hooyeen magaca qaranka Somaliland ee ay huwan yihiin......
Posted on 25 Dec 2009 by sarwo
KALA SHANDHAYNTA SERVER-KA (Qaybta II)


Waxaa Qoralkaygii hore een ka qoray SERVERKA (Computer-ka), waxaan ka hadlay sida loo kala shandhayn karo SERVERKA (Computer-ka) iyada oo la isticmalayo Habka Bio Meteric. Habka Bio Meteric oo lagu kala socoyo Sawirada indhaha, xagii Faraha lagu kala sooci lahaa.


Hadaba, markii dalka la keenay habkani diwan galinta ee casriga ah, ujeeda laga lahaa waxaa ay ahayd in dadka is diiwan galin doona laga qado, Farahooda iyo Sawiradooda. Si loogu kala shandheeyo, loona qabto dadka doonaya inay ku celceliyaan diiwangalinta.


Qoralkaygaasi hore, waxaan ku taliyay in mar haddii dadka qaar laga haynin farahooda, lakiin laga qaday qofkasta oo is diiwan galiyay sawirkiisa, lana siiyay Kadhadh Sawiradoodu ku yalaan. In la isticmalo habka Bio Meteriga ee sawirada indhaha lagu kala soocayo.


Hadaba, waxaan qoralkayga ku soo gaba gabeeyay su’aashani:

Posted on 13 Dec 2009 by sarwo
Ceerigaabo, 13 Dec.2009 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Ciyaartoy ka socda Gobolka Sanaag oo Magaalada Garowe ee Xarunta Maamul-gobolleedka Puntland ee Somalia u tegay ka-qaybgalka Tartan Kubbadda Cagta ah oo halkaa ka socda......
Posted on 13 Dec 2009 by sarwo
Axmed Cabdi Godane oo laga wareejiyay Xilkii uu Kooxda Al-Shabaab ka hayay
Posted on 09 Dec 2009 by sarwo
Dhalinyaro reer Somaliland ah oo Kanada uga yimi inay Al-Shabaab ku biiraan oo Maydadkooda la helay

“Waxa lay sheegay in qof ka mid ahi uu ka hor intaanay tegin uu isagu tego Soomaaliya oo uu abaabulo siday u bixi lahaayeen.”

Toronto, 6 Dec.2009 (Ogaal/GM)- Maydka Dhalinyaro reer Somaliland ah oo ka soo laabtay dalka Kanada, si ay uga dhinac Dagaallamaan Kooxda Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa la sheegay in laga helay Magaalada Muqdisho.
Posted on 06 Dec 2009 by sarwo
Ma cabiri karo dareenkeyga, kamana sheekeyn karo waxa dhacay, laakiin waxaan doonayaa inaan dabka uurkeyga ku shidan banaanka u soo saaro si ay ii yara deyso alhumadda aan ka qaaday masiibadda loo huwiyey ummadda Soomaaliyeed. Ugu Horeyn Assalaamu Caleykum,

Posted on 06 Dec 2009 by sarwo
Hargeysa (RD)- Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Xaafadda 150-ka ee Degmada 26-ka June ee Magaalada Hargeysa. halkaas oo lagu qabtay Xaflad soo-dhawayn ah.
Posted on 28 Nov 2009 by sarwo
Hargeysa (RD)- Guud ahaan Magaalooyinka iyo Deegaamada Somaliland ayaa laga Ciiday Munaasibadda Ciidal-Udxada, waxaana dadweynaha Salaadda Ciidda kala qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed (Siilaanyo), Shirguddoonka Golaha Wakiilada iyo Masuuliyiinta Golayaasha Qaranka....
Posted on 27 Nov 2009 by sarwo
Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo ka hadlay Dhoofka Xoolaha iyo Maxjarka Berbera
“Maxjarka Berbera Shirkadihii maal-geliyay mooyaane cid kale inay Lacag qabato lama ogola. Sababtoo ah..”
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Waraysi

“In Xoolo Somaliland u soo socda lagu joojiyo Puntland, waxaanu u aragnaa arrin aad iyo aad u xun. Waxaananu leenahay…”
Posted on 26 Nov 2009 by sarwo
Hargeysa (RD)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay Xilkii ka qaaday Agaasimihii guud ee Wasaaradda Dalxiiska, Hidaha iyo dhaqanka, isla markaana wuxuu xilkaa u magacaabay Agaasime cusub....
Posted on 25 Nov 2009 by sarwo
Waxaan marka hore hambalyaynayaa dadwaynaha Somaliland ee difaacay qarankooda, isna hortagay in dalka la INQILAABO.
Waxaan kale oon hanbalyaynayaa xusbiyada Qaranka ee heshiiska gaadhay, dajiyayna xiisada siyaasadeed ee dalka khalkhalka galisay.
Posted on 22 Nov 2009 by sarwo


Waa Maahmaahyo Cusub oo curis ah, waxaana maahmaahyadaas hindisay (curiyey), Mr. Maxamed Jaamac Cabdi oo degan magaalada Burco, isla wakhtigaa uu curiskaas maahmaahyada ah sameeyeyna wuxuu joogay Hargeysa. Wakhtiga uu ku sameeyeyna waa 48 saac gudahood, 82 maahmaahood oo cusub. Taarikhduna waxay ahayd 28-29/10/2009.



Ujeedada ku talogalkiisuna yahay in uu buug ka diyaariyo, haddii Alle idmo, lana gaadhsiiyo dhawr boqol oo maahmaahyood oo aanay waxba kaga jirin maahmaahyadii hore ee Somalida, balse cid uu la kaashaday oo la curisayna aanay jirin.

Iyadoo aan horey loo maqal nin kaligii sameeyey 82 maahmaahyood iyo in ku dhaw-toona, waxaa kale oo fajiciso leh 48 saacadood baa lagu hindisay 82 maahmaahyood.


Posted on 22 Nov 2009 by sarwo
Donald Payne oo shaaciyay fadeexado uu galay Maamulka Puntland

Waxaan si xoog ah u cambaaraynayaa dhaqamada kali-taliska ah ee Puntland”

Senator Donald Payne WARSAXAAFADEED
Posted on 22 Nov 2009 by sarwo
Mucaaradku muxuu ka yidhi khilaafka Cusbatalka Hargeysa?

“Wasiirku sida uu wax u wadaa waa boob iyo fool-xumo, waana fawaaxish inuu…”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE…..WARAYSI GAAR AH
Posted on 21 Nov 2009 by sarwo
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in uu ka dambeeyay isku-day dil oo horraantii bishan lala beegsaday Mudanaha.
Posted on 19 Nov 2009 by sarwo
-Masuul cusub oo loo magacaabay xilkii Agaasimenimo ee laga cudur-daartay qabashadiisa

-Khilaaf soo kala dhexgalay Guddiga iyo Wasiirka

Hargeysa 18, Nov.2009 (Ogaal) Guddiga Caafimaadka gobolka Hargeysa, ayaa qoraalo ku socodsiiyay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe Muxumed.
Posted on 18 Nov 2009 by sarwo
Hargeysa 18, Nov.2009 (Ogaal)- Waa fikir cusub oo ay alkumeen aqoonyahan iyo wax-garad isu-tegay. Waa tallaabo bar-bilow u ah u-gargaaridda dhibannayaal aan nasiib u yeelan in ay ka dawoobaan dhib la soo deristay. Waa horseedka in la abuuro afkaar la qaab-dhismeed ah, balse ka ujeeddo duwan oo taakulaynaysa dadyowga u baahan tabantaabada ee la wehelka ah cudurada kale.
Posted on 18 Nov 2009 by sarwo
Dawladdii Siyaad Barre lala dagaallamayay Jabhaduhu Qabaa’il bay ku salaysnaan jirtay. Balse, maanta..”

“Cadowgaagu ku soo weeraro aad u jawaabtaa, haddii kale, wax ka badan buu samaynayaa”

Shariif Sh. Axmed


Hargeysa, 16 Nov.2009 (Ogaal/BBC)- Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Shariif Sh. Axmed, ayaa dhibaatooyinkii Umadda reer Somaliland uu kula kacay Taliskii Siyaad Barre ku tilmaamay inay kala siman tahay Umadda Soomaaliyeed ee kale. Waxaanu sheegay in ay jirto fursad ay Dawlad ahaan wada-hadallo kula galayaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Posted on 16 Nov 2009 by sarwo
Cabdi Haybe, Wasiirka Caafimaadka Somaliland

Hargeysa 16, Nov.2009 (Ogaal) - Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe Muxumed, ayaa faahfaahin xil-ka-qaadis uu ku sameeyay Agaasimihii hore ee Cusbatalka guud ee Hargeysa.

Wasiirka oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu beeniyay warar Saxaafadda qaarkood faafiyeen oo la xidhiidha inuu qaatay gaadhi Cusbatalka hay’addi u iibisay, hase yeeshee waxa uu qiray inuu maalmo
Posted on 16 Nov 2009 by sarwo
Masuulka lagu bedelay oo weli xil qaran oo kale haya

Hargeysa 16, Nov.2009 (Ogaal) Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale, ayaa shalay xilkii ka qaaday Wasiirkii Boosaha iyo Isgaadhsiinta Liibaan Ducaale Casayr.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo warbaahinta loogu qaybiyay khadka Internet-ka ee Email, Madaxweynuhu
Posted on 16 Nov 2009 by sarwo
Ceerigaabo 16, Nov.2009 (Ogaal)- Maamulaha Kastamka degmada Maydh ee gobolka Sanaag Mr. Maxamed Cali-sagaaro, ayaa Sabtdii aynu ka soo gudubnay Xabsiga loo taxaabay.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Wargeyska Ogaal ee gobolka Sanaag Cabdillaahi Xusseen Cabdillaahi Darwiish, waxa maamulaha lagu xidhay saldhiga dhexe ee Ceerigaabo, ka dib markii saraakiil Booliska ka tirsan ka soo qabteen magaalo-xeebeedda Maydh ee gobolkaas.
Posted on 16 Nov 2009 by sarwo
Hargeysa, 16 Nov.2009 (Ogaal)- Koox isugu jirtay Qoraa iyo Aqoonyahanno kale, ayaa baaq ay soo saareen kaga digay in Warbaahinta dalka iyo dibeddu baahiyaan oo ay shaaciyaan Sawirada dadka xiskoodu dhiman yahay ama waalan.

Sida lagu sheegay Qoraal ay soo saareen Guddidan oo ka kooban Qoraa iyo Aqoonyahanno kale, ayaa talo ahaan loogu soo jeediyay dhawr qodob.
Qoraalkaas ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Sida aan ka wada warqabno bulshada soomaalida waxa ugu jilicsan dadka xiskoodu dhiman yahay. Qofka xiska dhiman weligiiba waxa haystay
Posted on 16 Nov 2009 by sarwo
Rome, 16 Nov 2009 (Ogaal/Al Jazeera)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa qorshaystay inuu cintada ka soomo 24 saacadood si uu qadrin ugu muujiyo dedaallada Qaramada Midoobay ugu jiraan inay dhaqaale ugu raadiyaan 1 bilyan oo qof oo la sheegay inay soo waajahday macaluul oo caalamka oo dhan ah.
Posted on 16 Nov 2009 by sarwo
Content Management Powered by CuteNews
gbd